Somaliland One
Odayguna Waa Taagan Yahay Musena Hmamum buu Qabaa Cirrona Weli Diyaar Muu Noqon.
January 10, 2017 - Written by Wararka Maanta
Markale waxaa soo laabatay doodi doorashada balse markan waa nooc kale xisbul xaakimkii oo raba in doorasho dhacdo iyo mucaaridkii oo diidan.
haddaba dad weynuhu waxay is wediinayaan sababta arinkan keenay
sidaynu wada ognahay Madaxweyne Silaanyo wuxuu qudbadii uu umada u jeediyay bilowgii 2016 iyo marar kale oo badan ku balanqaaday in aan mardambe dib udhac ku imanyan doorashada madaxtinimada isagoo isla markaana dib u dhigay dorashadi barlamaanka duruufo jira awgood canaanteedana ay iska leeyihiin baarlamaanka iyo shirguddonkiisu taasoo dadka gelisay inay xubnaha wakiiladu rabin inay kuraasta baneeyaan intooda badani ksoo gudub imika doorashadi madaxtinimada waxaa la leeyahay guddomiyaha xisbiga WADANI weeye qofka hor taagan inay qabsoonto sababtoo ah somalidu waxay tidhaahda midho geed saaran midho hoos yaal looma daadsho wuxuu mudane Cirro is tusay haddiba ay dhacdo oo doorashada lagaga guulaysto inuu waayayo kursigii baarlamaka sidaasna 2 khassare ku imanayso kaasi waa MD Cirro.
Haddaynu eegno Murashaxa madaxtinimo xisbiga KULMIYE guddomiye Muse Bixi Cabdi farxad iyo rayn rayn badan buu ku jira waqtigan sababtoo ah tanaasulka Madaxweyne Silaanyo uga tanaasulay murashaxnimada xisbiga isagoo aan filayn inuu sidaas yeelo rag culculs oo loolan ka dhexeeyeyna laga reebay wax qabadka balaadhan ee dowlada xisbigiisu qabatayna ku ololaynaya wuxuu is tusay in maanta maalintiisi tahay doorashona gar iyo gardaroba ku dhacdo ileyn waa intaasu Madaxweyne Silaanyo ka noqda tanaasulkii hore.
Odayga tiisu se way ka duwan tahay sidaas odaygu waa daalay waana da inta u hadhay inu cibaado iyo camal suuban ku dhamaystu rabaa sidaa awgeed isaga maanta soo taagan oo leh waar yaa iga qabta.
hadaba shacabkii muxaafid iyo mucaaridba inuu isagu intii uu kari karo sii hayo bay rabaan maadamaa la arkay murashaxiinta u ordaysa kursiga madaxtinimada dalka oo weli layli ah oo inay rarka la saari doono la buubaan laga cabsi qabo.
Somaliland for ever.
GARYAQAAN SHAXAARI

COMMENTS
Latest News