Somaliland One
SALDHIG MILATERI – XUL MISE WAA XAL? (W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)
January 10, 2017 - Written by Wararka Maanta
SALDHIG MILATERI – XUL MISE WAA XAL?
(W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)

Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho.

Maqaalkan Kooban waxaan doonayaa inaan fikirkayga kaga dhiibto arrin maalmahan dambe hadalhaynteedu taagnayd oo nuxurkeedu ahayd “Saldhigii Milateriga ee Ruushka ee Berbera oo Madaarkuna ka mid yahay ayaa laga kiraynayaa dawladda Imaaraadka Carbata (UAE)”. Siyaasiyiinteena iyo Dadweynuhuna figrado iska soo horjeeda oo HAA iyo MAYA u dhacaya ayay bixinayeen.

Haddaba intaanan ka hadal Barnaamijkan Faa’iido iyo khasaare waxa Somaliland ugu jira, waxaynu is weydiinaynaa Siyaasadda Caalamku maanta siday u shaqaysaa (World Order). Dabcan dir Soomaali-ba haddaad tahay wax waa kaaga baxsan yihiine…aan woxoogay kuugu daro ama ku xasuusiyo.

NIDAAMKA CAALAMIGA AH (NEW WORLD ORDER)
Nidaamka Caalamigu waxa hogaamiya dawlado u itaal sheegtay inta kale, masuuliyadda guud ee Caalamkana iyagu isu xilsaaray. wixii ay xeerar dejiyaanna ay tahay in lagu dhaqmo, cidii ka hortimaadana macnaheedu yahay beesha caalamaka ayaad ka hortimi iyo wixii Caalamiyan lagu heshiiyay, fidmo wale ayaa tahay, kadibna waa in tallaabo lagugu edbinayo lagaa qaadaa, oo ku salaysan sida xeerarka caalamiga ahi dhigayaan. Nidaamyo iyo Hayado caalamiya ah, oo UN-ka iyo Golaha Ammaanku ka mid yahay ayaana shuruucdaasi inta badan loo adeegsadaa fulintooda.

Somaliland in ka badan 25 sano ayaay Icriraaf siyaasiya raadinaysay, welina ma soo muuqdo. Ku darsoo Somaliland waxay ahayd Qaran madaxbanaan June 1960 oo dawlado door ahina ictiraafeen, sida taariikhu soo werinayso. Maanta haddii Midowga Africa la weydiiyo ictiraafka Somaliland, jawaabtu waa layska ogyahay oo waa IGAD la hadla, IGADna Jawaabteedu waa iska caddahay iyana oo waa Somaliya wada hadla, wixii aad ku heshiisaan waxba kama qabno e.

Taa waxa barbar taal South Sudan oo aan weligeed dal madax bannaan noqon oo waddan jira ka go’day, oo caalamkoo dhami u sacab tumay. Xataa AU-da oo sharcigii odhanayay xudduudaha Africa sidii icticmaarku kaga tegay ha loo daayo miiska saaranyahay, ayaa cod dheer ku soo dhoweeyay in South Sudan go’do. Runtii wax aydaan ogayn idiin sheegi maayo, laakiin iska garo-oo faraqa meesha yaal waxa weeye, dooda South Sudan dhidibada ay ku taagantahay iyo midda Somaliland kuwa ay cuskanayso ayuun baa kala duwan. Sidaa tolow ma u wada fahansanahay….Jawaabtu sidaan filayo waa HAA.. laakiin wadada loo marayo ayaan laysku waafaqsanayn…..Maahmaah Somaalileeed baa ahayd “Ama Buur Ahaw Ama Buur Ku Tiirsanow”…Mid kaloo afafka qalaad ku qornaan jirtay waxay ahayd “ Haddaanad Muuqan Ma Jirtid”…Somaliland iyo Ictiraafkeeda aan intaa ku dhaafo. waxaan uga gudbi Tariikh aan sidaa usii durugsanayn.

TAARIIKH IYO XUSUUS-AAN-SIDAA-USII FOGEYN (SOMALIYA)
1977 Somalia waxay ahayd Wadanka Afraad ee ugu awooda badan Military ahaan Africa, iyo malaha ka koowaad inta diirka madaw ee Qaaradda, sida ay taariikhdu inoo soo werisay ama badhkeenba aynu goob joogga u ahayn, welibana aadna waa looga cabsan jiray. Waxay (Somalia) faraha kula jirtay oo saamayn ballaadhan ku lahayd Waddamo badan oo isbedello siyaasi ahi ka socdeen, qaarkood dhaqdhaqaqayo hubaysan ahaayeen. Maxay taasi ku dhacday? Waxay fahmeen kana faa’iidaysteen wixii la odhan jiray Dagaalka Qabaw (Thanks to Cold War). Intiina sagaashamaadkii dhalatay: Dagaalka qabow waxaa looga jeeda ama laga hadlayaa tartankii ka dhexayn jiray Bariga, oo Ruushku hoggaamin jiray (Soviet Union) oo WARSO loo yaqaanay, iyo Galbeedka oo Maraykanku hogggaamin jiray oo NATO loo yaqaano, oo iyadu weli maanta jirta. Labadaa isbahaysi waxay ku tartamayeen sidii ay dunida uga amar ku taaglayn lahaayeen, iyaggoo tartankuna aanu naxariis lahayn (siyaasiyan, dhaqaale ahaan iyo teknooloji/technology ahaan ba.). aan dhaafo taana una gudbo milicsi kooban wixii ka dhacay Dunida Carabta.

GUGII CARABTA. (ARAB SPRING)
Wixii loogu yeedhay Gugii Carabta, oo ahaa Fuf-Siyaasadeed ka bilaabmay Waddanka Tuunis horaantii 2011 kuna xigsiiyay Masar oo kacdoon dadweyne xukunka lagaga tuuray talisyadi ka jiray. Libya, Syria iyo Yemen ayuu kacdonkaasi kusii fiday. Sidaad la socotaan natiijadii kasoo bacxady fuf-siyaasadedkaasi waxa uu noqday mid aan loo fadhiyin, niyad-jab iyo jaah-wareerna keenyay.

2017- ka IYO BARIGA DHEXE
Waxaa laga yaabaa inaad is weydiinayso, innaga (Somaliland) arrinta Bariga Dhexe maxay macno inoo samaynaysaa, maxayse xidhiidh inala leedahay?. Runtii macno weyn baa ku jira. Waa midda kowaade arinta Syria imika waa lagu kala hagaagay, Ruushka iyo Xulafadiisa, oo ay Iran ugu horayso, ayaana ku adkaaday. Cidna wax ka weydiin maayaan maanta. Turkiga ayaa goor dambe loo gacan haadiyay oo talada wax laga siiyay. Dawladaha Khaliijka oo Sucuudigu horboodayay, Imaaraddka aynu Saldhiga kala xaajoonaynaana xubin firfircoon ka yahay, iyaga gelin hore ayaa lala kacay, xataa Maraykankii lahaa geeskayga ku daaqa waxba u tari waa, Maamulkiisiina waa isbedelay (Trump Era) oo iyana waa arin kale oo ay u badantahay inuu Ruushku ku sii faa’iidayo Xagga Bariga dhexe. Arinta Labaad ee ina khusaysaa waxa weeye, Dagaalka Yemen oo isna dhowaan lagu kala bixi doono, ayna u badantahay in Iran iyo Xilfigeedu ku adkaan doonaan, waa haddii Ruushku mawqifkii Syria mid la mid ah ama xataa u eeg kaga hawl galo e. Way caddahay markaa in Sucuudiga iyo Xilfigiisu dawlad jeebkooda ah aanay Yemen ka dhisi Karin. Dawlad wanaag ah ayay u badantahay, weliba haddi ay is daadraaciyaan, oo dubaha Ruushka iskaga gabbadaan weeye.

SOMALILAND IYO DANTEEDA
Somaliland maanta duruufo badan baa ku xeeran oo ay ugu horayso isebdelada Somaliya ka socda, kuwaas oo siyaabo badan saamayn ugu leh Somaliland (waqtiga dhow iyo waqtiga fogba).. Waxa kale oo jirta Wadamada jaarka oo iyana saamayntooda gobolku sii kordhayso, Somaliland-na dano badani iskaga xidhanyihiin. (dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba).

Kolkay sidaas tahay inay Somalialnd tashato oo Waraaq kasta oo Calamiyan wax goyn kartaba ay ciyaarto meesha way ku jirtaa. Berberana waa Waraaaqda ugu Culus ee ay Somaliland Ciyaari karto markasta. Sidaas darteed Saldhig Milateri in la bixiyo xisaabta iyo qorshahaba inoogu dar, meesha ayay ku jirtaaye. Dheesha uun haynaga dhabqinina ayaa iyana barbar taala.

MA YAHAY GO’AAN XUL AH?
Aniga aragtidayda qoladan imika arinka u socota ee doonaysa (waa Emirates-ka e – UAE) waxay ka tirsanyiiin Qudbigan reer Galbeedka ee Maraykanku hogaamiyo, runtiina Xilfigaasi baahi weyn uma qabo Saldhigyo Milatry oo waa ku wadh-wadhay, xataa agagaarkeena Jabuuti bay fadhiyaan, Cadan baa u rahman..iyo qaar kale….).

Labadooda Ruushka oo imika doorkiisa Caalamiga ahi dib u soo noqonayo ayaa u baahi badan. Isagaanay wax ka buuran waxa Imaaraadku la guclaynayaan inooga goyn lahayd. Hadday tahay Dekaddo la dhiso, Ciidamada oo la dhiso qaybahooda kala duwan (dhul, Cir iyo badba), hubka oo laga heli karay..waddooyinka oo la dhiso..biyo xidheeno abaraaha lagaga gabbado iwm.. ee horumarin buuran ah. Isaga (Ruushka) waxaa xaggiisa waa iska balli-balli, culaysna kuma ahaba, haddaad waraaqahaaga si fiican u ciyaarto weeye. Qoladani (UAE) iyagu lacag uun bay hayaane, weliba ay bakhiiliin ku yihiin, laakiin hub iyo Teknoloji/technology ma hayaan, iyagu waa reerka reeraha sii dabayaal, marka siyaasadda caalamiga ah laga hadlayo.

GEBAGEBO
Si kstaba ha ahaatee Emirates-ku (UAE) oo Saldhig Milatry maanta Berbera laga siiyo maaha Xul-Go’aaneedka ugu fiican, laakiin kol haddii aanay wax kale oo miiska kuu saarani jirin, in Go’aankaas la qaato anigu dadka Somaliland ha soo dhoweeyaan ayaan maanta ku talinayaa, Dawladdana halagu taageero ayaan odhan lahaa, waa XAL-e, XUL-se maaha e. Xukuumaddana waxaan kula talin lahaa, inay arinta u talo badsato, dadka arrimaha Milateriga yo arimaha Xidhiidhka Caalamiga u dhuun daloolana ha la tashato iyo guud ahaan dadkeeda tala-galeenka ahba. Midda Labaad ee aan Xukuumadda u jeedin lahaa waxa weeye inay ka taxadarto in qodobada heshiiska laynoogu soo daro “…cid kale ama saldhig kale lama bixin karo intaas oo sanadood iwm”. Taa walaalayaal inaga jira yay kooto (monopoly) inagu qabsane.

Quwado Caalami ah oo leh dano iska soo horjeeda, waa suuragal maanta in aynu is waafajino, inagoo teena ka raacanayna. Tusaale aan inagaba fogayn: bal u fiirso Djibouti, imisa Saldhig Milatery ayaa maanta ku yaala. Shiinaha iyo Maraykanka ayaaba jaar ah dee. Ukuntaada sellad keliya ha ku wada shubin…… Weylaha iyo Nayluhu hayska wada daaqaan…ee xisaabta inoogu dara…

Ilaahow Dooran Garan Maynee Aduu Noo Door…Aamiin

W.Q: C/Raxmaan Caydiid
abdiaideed11@gmail.com
January 09, 2016

3

COMMENTS
Latest News