Somaliland One
Donald Trump oo wiil uu sodog u yahay u magacaabay Lataliye Sare oo Aqalka Cad ah.
January 11, 2017 - Written by shaqalaha somalilandone Media Group
Donald Trump oo wiil uu sodog u yahay u magacaabay Lataliye Sare oo Aqalka Cad ah
10th January 2017
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa wiil uu soddog u yahay oo la yiraahdo Jared Kushner u magacaabay la taliyayaashiisa sare ee Aqalka Cad ee Mareykanka.
Jared Kushner ayaa ah 35 sano jir waxa uuna qabaa gabadha uu dhalay Madaxweyne Donald Trump oo lagu magacaabo Ivanka Trump, waxa uu kaalin weyn ka ciyaaray olalaha doorasho ee Trump uu ka soo hooyay guusha lama filaanka ah.
Mr Jared ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay howlo lagu horumarinaayo dhulka kuwaas oo lahaa dano ganacsi oo dhinacyo badan.
Arrinta magacaabista Jared ayaa waxay kicisay doodo badan oo dhanka qaanuunka ah iyadoo xubno ka tirsan xisbiga Dimiquraadiga ay ku tilmaameen qoys jeclaysi iyo inay abuuri karto khilaafyo.
Mr Trump ayaa horey waxuu u sheegay Jared Kushaner inuu agtiisa uu ka yahy qof wanaagsan uuna ku kalsoon yahay isagoo tilmaamay inuu kaalin muuqato ka ciyaari doono maamulkiisa.
Madaxweyne Trump ayaa waxaa lagu wadaa in xilka Madaxtinimada Mareykanka loo dhaariyo 20 ka bisha Janaayo isagoo noqoday madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka.

COMMENTS
Latest News