Somaliland One
Jaaliyada Qurbajooga Daryeel RRM Group Ayaa Deeqihii Ugu Badnaa Gaadhsiiyay Deegaamada Ku Teedsan Gobolka Togdheer Iyo Saraar Iyo Xukumada Oo Aan Ilaa Hada Sidii La Doonaayay Ugu Hagar Bixin.
January 11, 2017 - Written by shaqalaha somalilandone Media Group
Qurbajooga Daryeel RRM Group Ayaa Deeqihii Ugu Badnaa Gaadhsiiyay Deegaamada Ku Teedsan Gobolka Togdheer Iyo Saraar Iyo Xukumada Oo Aan Ilaa Hada Sidii La Doonaayay Ugu Hagar Bixin.
Qurbajooga Groupka Daryeel RRM ee ka soo jeedaa deegaamada xood,xayira ,ilkacadays,magaaloyar,qoryaale,gaadlayaal,dandan Iyo shaaxid ayaa waxay ka wadaan deegaamadooda dadaalo aad u balaadhan oo ay ugu gurmanayaan dadkoodii oo abaari ku habsatay waxayna ilaa hada gaadhsiiyeen deegaamadooda lacag gaadhaysa 170,000$ Todoba iyo toban kun oo dollar.
Gurmadka jaaliyada qurbajooga deegaamada ee daryeel RRM group oo bilaamay November 2016 oo ilaa hada socda ayaa waxaa la gaadhsiiyay deeegaaamada sare ku xusan ee ay ka soo jeedaan biyo raashin iyo agab kale oo kala duwan.
Dhinaca kale xukumada ayaa gurmad ka bilowday gobolka togdheer Iyo gobolada kale bariga ee abaartu ka taagantahay laakiin ilaa hada may u hagar bixin deegaamada aan sare ku soo xusan lamana yaqaano meesha uu maro saamigooda ay qaybta u helaan.
Ugu danbayntii shacabka ku dhaqan deegaamadaas ayaa aad uga cabanaaya gurmad la’aan ay tirsanayaan yadoo abaartii meel xun sii maraysa yagoo ugu baaqay cidkasta oo ka soo jeeda deegaamadan Iyo xukumada somaliland inay xaalada abaareed sii xumaanayso una baahanyihiin in lala soo gaadho gurmad deg dega.Jaamac Baashe Ohio.

COMMENTS
Latest News