Somaliland One
Xisbiga Wadani Waxaa Uu Qaadayaa Heestii Ahayd Caashaqa Ma Baran Wali.
January 11, 2017 - Written by Wararka Maanta
Xisbiga Wadani Waxaa Uu Qaadayaa Heestii Ahayd Caashaqa Ma Baran Wali.
Waaxaa baryahaa soo baxaaya in mudo kordhin kale la samaynaayo taas oo ay xisbiyada qaranku ka doodeen waxaana fashil iyo ceeb kala kulmay doodaha lays dhaafsaday gudoomiye cabdiraxmaan ciro oo dadka reer somaliland moodayeen siyaasi laakiin ku fashilmay tijaabo hor leh.
sadexda xisbi qaran iyo sadexdooda gudoomiye ayaa mid ba rayigiisa ka dhiibtay abaarata ka jirta dalka Iyo mudo kordhinta la sadaalinaayo waxaanu Xisbiga Kulmiye ku ganay xisbiga falaadh siyaasadeed oo khatar ah taas oo ciyaartii siyaasada ay u muuqato In laga badiyay wadani.
wadani waxaa uu sheegaya Inuu rabo mudo kordhin madaama ay abaari ka jirto dalka laakiin muu sheegin inta sano ee uu rabo in madaxwayne siilaanyo loo kordhiyo?
Kulmiye waxaa uu sheegay in uu door bidaayo in doorasho dalka laga qabto arintaas oo aanu daacad ka ahayn ee ay ka ahayd qaab siyaasadeeed ,si markaa marka xukumada loo kordhiyo 2 sano iyo waxii lamid ah loogu sheego Wadani inuu hore u ogolaaday mudo kordhinta oo aanay ka murmi karayn.
Ucid waxba ma diidana hadba dhinaca ay ugu badiso ayuu raacaya.
By Guuled axmed nuur.

 

COMMENTS
Latest News