Somaliland One
Aniga Iyo Xaawalayda Qalinkii: Cabdillaahi raage “Sayidka”
January 6, 2016 - Written by admin

-”Imisaa sanadkaa gunaanadmay xaawalay ku soo martay oo wax uun kaaga tagtay?”

Waxaan ugu warceliyay aniga oo ay isoo hormarayaan sawirradii, wajiyadii iyo dhacdooyinkii

-”Inbadan, oo badan, badiduna agtayda maaha in yar.”

Sidii wax uu hadalku sida saaruukha ugu dhacay kii kale inta uu joojiyay bunkii uu diyaarsanaayay, si layaab ka buuxana iisoo eegay ayuu si is diidsiin ah ii waydiiyay

-”Jacaylku ma soo noqnoqdaa..??!! Miyaanu kalgacaylku ka koobaad uun ahayn??!!! Sidee buu wadnahagu u qaadi karaa waxaas oo dhan..??!!

Intuu ii su’aalaayay sidii khudbad dhaga la’ nin jeedinaaya anigu waxaan ku talamaayay -”Miyay tahay in aan warkaa ka jawaab celiyo..??!! Oo sabab??!! Oo sideena??!!

Hal adaygiisa iyo xanuunka waydiimihiisu imay siin fursad aan ku tallamo, anoon ku qanacsanayn waxa aan qabanaayayna waxa aan ugu jawaabay

-”Jacaylku noloshayda gacaliye waa sida roobka iyo cariga, maqnaashaha ayuu dheereeyaa kadibna kadis ayuu ku yimaaddaa bilaa hordhac, Ilbidhiqsiga koobaadba, sida ilbidhiqsiga ay dhibicda roobka ugu horaysaa la kulmayso carriga, ayu laabta si diirran ii gashadaa, dhunkashana igala daalaa, ii sheegtaa xiisihiisa, farxadiisa, muragadiisa, warkiisa iyo wacaashiisa, waxa uu galay iyo waxa uu guday, iigana warbixiyaa xiisihii gubay intii dheerayd ee uu maqnaa, dabadeetana ila boobaa waydiin, waxaa uu iiga waramo oo dhanna iga waraystaa.

Nagaasho yar ka dib waa uu iska tagaa, ama sidaas ayay ula muuqataa ka wax jecel, waxa uu ka tagaa dhaawacyo iyo xanuun, waxa uu dumiyaa riyooyin iyo rajooyin, deetana la illoobaa oon soo-naqoshadiisa aan la naawilin, ileen mid kalaa kedis ku yimid xili la moogyahay, oo falay fal diiday in dib looga fakaro wax asaga ka horeeyay, dabadeetana nagaada isagoo sugaaya aminta socdaalkiisa aan la garanayn”.

Abdilaahi Raage

Qalinle, MuqaalQaade, Iyo Warfidiyeen Soomaaliyeed

COMMENTS
Latest News