Somaliland One
“Annaga Kuwii Laaluushka Noo Keenay Ee Aanu Ku Diidnay ayaa na Dacweeyey Oo Dacwad baa Nagu Socota” Maayarka Burco
January 1, 2016 - Written by admin

Burco(Somalilandone.com)-Maayarka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka uu dadka gaadhsiiyo musuq maasuqa iyo laaluushku.

Waxaa kale oo uu sheegay in lagu dacweeyay laaluush ay diideen oo cid gaar ahi doonaysay in ay hawl ugu fuliyaan oo ay ku diideen isla markaana xilligan maxkamadi ku socoto.

Maayarka oo ka hadlayay kulan uu soo qaban qaabiyay komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqu waxaa kale oo uu aad ugu dheeraaday sida ay diiniyan xaaraanta u tahay in laaluush lagu qaato xilka iyo mansabka ummada loo hayo isla markaana waxaa uu goobta ka caddeeyay in aan reer Burco laaluush u sheeganayn intii uu maayarka ahaa ee loo doortay guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Burco oo uu imika xilkeeda hayo.

“Horta aniga reer Burco intaan Maayarka ahaa ee aan xilkan aan hayo aan joogay laaluush ii sheegan maayaan oo la soo heli maayo qof kaliya oo odhanaya Maxamed Muraad toban Dollar oo laaluush ah ayaan siiyay si uu hawshaa iigu qabto. Laakiin waxaa annaga (Maayarka Burco) nagu dhacday in kuwii laaluushka noo keenay ee aanu ku diidnay in ay na soo dacweeyeen oo ay hadda Maxkamadi nagu socoto ka dib markii nalagu soo dacweeyay maxaad noogu qaban waydeen hawshaan idiinla nimi laaluushkana noogu diideen. laakiin qorshahan waan soo dhawaynayaa waxaanan ku baaqayaa in dalka oo dhan laga hirgeliyo oo xididada loo siibo isla markaana laga waaniyo bulshadda iyo masuuliyiintaba laaluushka.”ayuu yidhi Maayar Muraad.

Waxaanu intaa ku kabay doodiisa oo uu yidhi “Horta maanta bahashu meel adag ayay innala maraysaa oo hawl fududayn ayaa loola baxay, laakiin in xididka loo siibo ayay u baahan tahay anigu in aanan laaluush qaadan ALLE ayaan ka baryay oo waan ku ducaystay Madaxda ila midka ah iyo kuwa iga sareeyana waan kula talinayaa in aanay qaadan.sababtoo ah qofka laaluushka qaataa qofnimadiisa,masuulnimadiisa sharaftiisa iyo karaamadiisa intuba way dhimanayaan oo damiir xumo ayaa laga qaadaa,waxaanad ogaataa in qofka laaluushka ku siiyay aanu ku asturayn hadduu Iimaamka Masaajidka yahay oo aad laaluush kaga qaado dan aad u qabanayso markiiba khudbadda Jimcaha ayuu kugu soo darayaa oo uu kaa sheegayaa,haddaad mid suuqa jooga ka qaadatana kaba sii daran oo mar kasta iyo goob kasta wuu kaa sheegayaa.Markaa waxa habboon in aad wax kasta ka horaysiiso in aad ilaashato aakhlaaqadaada oo aad ka fogaato xumaan iyo laaluush in aad ku shaqayso.”

“Meydkaaga ayaan xataa ka nabad gelayn haddii aad xumaan iyo laaluush wax ku cunto oo way kula socotaa markaa waxaan odhan lahaa waar aan aakhiradeenna ilaashanno.Nabiga (CSW) iyo Saxaabadii oo fadhiya ayaa Meyd la soo hor mariyay, markaasaa la yidhi waa kuma,waa hebal ayaa la yyidhi kadibna dadkii way maageen iyagoo leh ILLAAHAY ma ina dhaafiyay inkaar qabaha. Mayd kale ayaa la soo mariyay markaasaa la yidhi waa kuma,waa hebel markaasay dadkii u duceeyeen oo ay yidhaahdeen ILLAAHOOW u dambi dhaaf addoon wanaagsan ayuu ahaaye. Ka dib Rasuulka oo labada goorba ka hadlay Meydadka la soo hor mariyay kelmadihii ay ku yidhaahdeen Asxaabtu oo uu yidhi way ajiibtay,ayay yidhaahdeen Rasuul Alloow kii horena waxaad tidhi way ajiibtay kii dambena waxaad tidhi way ajiibtay ee bal noo sheeg. Rasuulku SCW wuxuu ku yidhi saxaabadii kii horena shar ayaad ku sheegteen kii dambena khayr ayaad ku sheegteen waana sidaa aad u sheegteen dadkuna waa markaatiga ALLE ee dhulka jooga,”ayuu yidhi Maayar Muraad.

Maayarku waxa kale oo uu ka digay markhaati beenaalaha, waxaanu yidhi “Waxaad qiimo beeshay if iyo aakhiraba markaad masuul tahay ee qof dantiisa gaarka ah ku marsiisto ee uu laaluush kugu marsiisto sababtoo ah qofkaad markaati beenaale u furtayna ku baray ayaa la yidhi oo in aad beenaale tahay ku ogaa ALLENA ku og ninka dantiisa aad laaluush ugu qabatayna ku baray cadaabna ku cunsii ee waar iska jira ayaan leeyahay.”

COMMENTS
Latest News