Somaliland One
Cisbitaalka Carruurta Maxamed Sheekh ee Hargeysa oo ay dhakhaatiirtii Talyaaniga
January 6, 2016 - Written by admin

Wuxuu cisbitaalku saddexdii sano ee furnaa bilaash ku daweeyey in ka badan afartan kun oo carruura

Hargeysa(Somalilandone.com) ilo wareed muhiim ah ayaa Waaheen u sheegay in wasaaradda Caafimaadka Somaliland lacag ku soo rogayso cisbitaalka carruurta Maxamed Aadan Sheekh, kaasoo ahaan jiray bilaash.

cisbitaalka maxamedLama garanayo sababaha kalifay in cisbitaalkan lacag lagu soo rogo, hase yeeshee warku waxa uu sheegayaa inay wasaaradda Caafimaadku dhakhaatiirta maamusha cisbitaalkaas ku amartay inay dhaqaalaha ay ku maamulaan soo mariyaan wasaaradda.

Codsiga wasaaradda ayaa la sheegay inay hay’adda maamusha cisbitaalkaas oo dhaqaalaha ka heli jirtay dibedu ay hakiso shaqadii ay ka waday cisbitaalka, isla markaana ay ka baxaan dalka dhakhaatiirtii Talyaaniga ahayd ee ka shaqayn jirtay.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in sadexdii sano ee uu cisbitaalkaasi shaqaynayey lagu daweeyey afar kun in ka badan oo carruur ah, kuwaasoo laga daweeyey qaarkood xanuuno culus oo aan Somaliland wax lagaga qaban kareen.

Xogaha laga helayo cisbitaalkaas ayaa sheegaya wasaaraddu inay qorshaynayso in 20/1/2016-ka lagu soo rogo lacag, taasoo culays ku keeni doonta dadkii dan yartaa ahaa ee cisbitaalkaas ka heli jiray adeega bilaashka ah.

Cisbitaalka Maxamed Aadan Sheekh waxa lagu daweyn jiray maalin kasta sideetan carruur ah, waxaanu qof kastaa dareemi jiray salaada subax kadib sida ay dadweynuhu ugu soo hiloobi jireen, isla markaana ay carruurtooda ula soo kalihi jireen.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku faani jirtay cisbitaalkan waxaana sanadkii 2014-kii ay qabatay Munaasibad dhaqaale loogu ururinayay cusbitaalkaas caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh, kaasoo lagu qabtay hoteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxaana halkaasi lagaga dhawaaqay in cusbitaalkaasi loo ururiyay lacag dhan $282,000 oo dollar.

Marwada Madaxweynaha Somaliland ayaa munaasibadaas ka sheegtay muhiimadda uu cisbitaalka Maxamed Aadan sheikh u leeyhaya Dalka “Cusbitaalkan caruurtu khaas weeyaan, taageero iyo taakulayn gooniya buu inooga baahan yahay, dawlada Talyaaniga aad baan ugu mahad naqayaa iyo axsaabtii Maxamed Aadan oo arrinta halkan ka dhalatay iyaduna way inoo kordhinaysaa oo dad iyaguna wax ku darsanaya oo in wax loo qabto ah ayaynu u muuqanaynaa, waxaan qabaa intay tari lahaayeen inay laban laabayaan iyagana weynu mahad naqaynaa.”

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr: Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa ka hadlay waxa uu qabto cisbitaalkaasi waxaanu yidhi “maalintiina 80 caruur ah oo lacag la’aan lagu daweeyo ayuu qabtaa, todobaadkiina waa waa in ka badan shan boqol, bishiina waa in ka badan laba kun oo lacag la’aan ah, dawadooda, nafaqadooda iyo aragtidooda midna lacag lagama qaado. waxaanu ku fikiraynay in aanu gobolada kale ku fidino cusbitaal noocaan oo kale ah, waxaanu rajaynayanaa in caruurtaas dhamaantood lagu guulaysan doono qaliinkooda, waxaanan halkan uga mahadcelinayaa Qunsulka Turkiga oo balanqaaday wixii qalaba ah ee qolka qaliinku u baahado inay dawlada Turkigu bixinayso, hay’addaha UNFPA, WFP iyo WHO waxaan jeclahay inay qaadhaankooda bixiyaan, waxaanan idinka mahadnaqayaa dhaqaalaha aad ugu deeqdeen cusbitaalka oo wax wayn u qaban doonta caruurteena.” Ayuu yidhi Xagla toosiye.

Hadaba waxaanu isku daynay arrintan Cisbitaalka ka taagan ee lacagtu loogu soo rogayo wasiir Xaglatoosiye, balse Telefoonkiisa ayuu ka jawaabi waayey.

COMMENTS
Latest News