Somaliland One
Daraasad Caafimaad:Bulsho Dhex-gal Laanta Bulshada Oo La Ogaaday Inay Qofka Ku Keeni Karto Xanuuno Khatar Ah.
January 9, 2016 - Written by admin

Qofka oo kalinimada jeclaada, isla markaana aan dhex elin dadka waxa uu khatar u yahay in ay ku dhacaan xannuunada kansarka, wadno xannuunka iyo faaliga sida ay sheegeen khubaro ka tirsan Jaamacada University of North Carolina.

Dadka aan lahayn saaxiibada amma aan ku xidhnayn qoyskooda waxa khatar badan gasha caafimaadkooda, maadaama aanay wax dhaqdhaqaaqa samayn inta ay dhallinyarada yihiin, halka marka ay weynadaana macaanba ku dhaco sida ay cilmi-baadhistooda ku sheegeen.

Khubaradan waxa ay baadhitaan ku sameeyeen dad aan jeclayn dhex galka bulshada, iyagoo waliba si gaar ah u baadhay xidhiidhka ka dhaceeya caafimaadkooda iyo dad la xidhiidhka ay leeyihiin.

Waxa ay dhakhaatiirtan go’aamiyeen in dadka dhallinyarada ah ee xidhiidhka ay asaxaabtooda amma bulshada kale la leeyihiin xun yahay in caafimaadkoodu xumaado oo xannuuno badan la soo wajahaan, lana mid yihiin sida dadka aan wax jimicsi ah samayn.

Sidoo kale, cudurka dhiig-karka oo inta badan dadka wayeelka ah ku dhaca ayaa lala xidhiidhiyey in kalinimada laf ahaanteeda uu ku yimaado, kaasoo ah arrin sii dhaliya xannuunada kale.

Dadka xidhiidhka bulshada la leh amma haysta dad jecel oo taageera caafimaadkoodu waxa uu noqda mid wanaagsan, inkastoo caafimad iyo caafimaad darraba Alle keeno, haddana khubaradan waxa ay sheegeen in kalinimadu sabab u tahay xannuunadaas.

“Marka aan eegnay maxsuulka noo soo baxay waxa muhiim u ah dhallinyarada iyo dadka waaweynta in ay abuurtaan cidhiidh ay la leeyihiin bulshada ay la nool yihiin, yeeshaana khibarada dad dhex galka, sababtoo ah waxay u fiican tahay caafimaadkooda iyo jidh ahaanba,” ayuu yidhi;Dr. Kathleen Mullan Harris oo khubarada daraasadan soo saartay ka mid ah Maankaabna soo xigtay.

Saynisyahannada oo qiimeeyey afar xog uruurin oo ay ka sameeyeen bulshada Maraykanka ah oo si kala duwan uga kala sameeyeen ayaa ay ku ogaadeen in xidhiidhka xooggan ee bulshadu uu% hoos-u-dhigo khatarta uu qofku ugu jiri lahaa xannuunada wadno xannuunka, dhiig-karka, kansarka iyo faaliga.

“Waxa daraasadu iftiimisay in dhakhtartada iyo shaqaalaha caafimaadku ay laba labaan dedaalka ay dadka ugu sheegayaan amma kaga caawinayaan in ay muhiimad leedahay xidhiidhka bulshadu leedahay inta uu qofku nool yahay,” ayuu yidhi Dr. Yang Claire oo isla khubaradan ka mid ah.

Daraasadan oo lagu daabacay jariirada National Academy of Science, Maankaabna soo xigtay waxa ay iftiimisay in qofku u baahan yahay dhisida xidhiidhada saaxiibtinimo iyo kuwa bulshada si uu caafimaad ahaan iyo maskax ahaanba u fayoobaado.2FCBE07500000578-3384242-image-a-48_1451934556416

COMMENTS
Latest News