Somaliland One
Faallo Waa-Maxay Ujeedada Komishanku Ka Leeyahay Inay Is Diwaangalin Ka Fuliyaan Deegaamada Gobolka Togdheer Xili Laga Wada Hayaamay Oo Aan Cid La Diwaan Galiyaaba Joogin Oo Dhulku Cidla Waaqla Yahay?
January 8, 2016 - Written by admin

Maxaa Reer Burco Iyo Kala Haysta Diwaangalintu kaadhka Codbixinta Waa-Maxay Ujeedada Komishanku Ka Leeyahay Inay is Diwaangalin Ka Fuliyaan Xili Deegaamada Gobolka Togdheer Laga Hayaamay Oo Aan Cid La Diwaan Galiyaaba Joogin?
Waxaa La Sheegey In 16 Bishan January is Diwaangalin Balaa Waciyi Galina Lagga Bilaabayo Gobolka Togdheer Taas Oo Aan Dadka Looba Sheeggin Waxa Uu Yahay Qaadashada Kaadhka Diwaangalinta Laggu Galaayo Doorashada Soo Socota Ee La Filaayo Inay Somaliland Ka Dhacdo 2017 Ka Bisha March Hadaanay Dib U Dhacin!
Hadaba Dadka Reer Togdheer Ayaa Lagu Bilaabaya Qaadashada Kaadhkan Shacabka Reer Somaliland Ku Cusub Ee Aan Hore Loo Arag sheeko Iyo Shaahid
Ilaa Hada Wax Wacyi Galin Ah Lagama Fulin Deegamada Hoos Yimaada Gobolka Togdheer iyo oodwayne taas Oo Ujeedada Laga Leeyahay Tahay In Aanay Dadka Reer Togdheer Qaadan Kaadhka is Diwaan Galinta Si Markaa Loo Waayo Codkooda Faraha Badan Ee Ay Siin Doonaan Xisbigii Ay Isbahaysiga Kulmiye ku Biraan Waxaana La Raba In Dadka Beeralaydaa Ee Ku Ku Nool Hargeysa iyo Gabiilay La Siiyo Kaadhka Diwaanglinta Oo Loogu Qarash Gareeyo Waxii Lacaga Ee Lahayo Si Markaa Dadkaasi Ay Muuse Biixi U Siiyaan Codkooda kan Togdhee Na Loo Waayo Madaama Qofkii Aan Kaadh Haysan Ee Aan Soo Galin Diwaangalinta Aanu Xisbi Qudha U Codayn Karin,Sheekadan Ayaa Waxaa Dhisay Oo Wada Masuuliyiin Ka Tirsan Xukumada Iyo Gudoomiyah Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Oo Aan Taageeroyaal Badan Ku Haysan Gobolka Togdheer.”….
Hadaba Waamaxay Cawaaqib Xumada Ka Iman Karta In Sidan Hada Wax Ay U Wadaan Komishanka Doorashooyinka Muuse Biixi iyo Xukumadu Ay U Hirgalaan Iyo Faa’idada Ugu Jirta Muuse Biixi?
1.In Dadka Reer Togdheer Hadhow Doorashada Kadib Hadii Muuse Biixi La Doorto Laga Xaqiro Wax Alaale Waxii Ay Xaqa U Lahaayeen Tixgalina Aan Lasiin Madaama Aanay Codaynin Oo Laga Farsameeyey Diwaangalinta Lagu Qaadanaayey Kaadhka Lagu codaynaayo Ee Doorashada.
2.In Aan Wax Wasiiro Ah Oo Agaasimayal iyo Wasiiro Ku Xigeen Ka Badan La Siinin.
3.In Laga Ilaaliyo Wax Kasta Oo Gobolada Galbeedka La Siiyo Sida Wax Barasho Tayo Leh ,Haayadaha Caalamigaa ,Caafimaad ,Shaqaale Dawladeed ;In Kasta Oo Awalba Gobolada Bariga Aanay Haysan Wax Shaqaale Ah Oo Ka Shaqeeya Haayadaha dawligaa iyo Wasaaradaha Maadaama Aan Wasaarad Qudhi Ku Oolin Gobolka Togdheer Iyo Gobolada Bariga Somalialnd Oo Ay Hargeysa Iyo Galbeedka Somaliland Ku Wadayaalan.
4.In Dadka Reer Togdheer Xoog Lagu Maquuniyo Oo Xadhig Iyo Cagajuglayn Lagala Daalo Si Markaa Aanay Uga Hadlin Warbaahibta iyo Meel Kale Toona Ay Xaqooda Iyo Cadaalad Darada Lagu Hayo Ay Ka Sheegtaan.”

Allaa Mahad Leh
Waa Muwaaadin Somalilander Ah Oo Ka Yakh-yakh Sooday Qaabka Wax U Socdaan.”.
En Abdilaahi

COMMENTS
Latest News