Somaliland One
Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti uu hogaaminayo oo Socdaal ku gaalaa bixinaya dalkan UK
January 8, 2016 - Written by admin

Sida aad lawada socotaan waxaa dalkan UK kusugan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafti uu hogaaminayo kuwaasi oo u jooga dalkan Britain howlo shaqo oo ay kamid yihiin soo bandhigiga Qabyo Qoraalka siyaasada xisbiga Waddani oo dhawaan lagu soo bandhigay magalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland isaga oo ku qoran luuqada afka Soomaaliga, waxaa sidoo kale uu gudoomiyaha iyo waftiga weheliyaa ay kusoo bandhigi doonaan magaalada London qaybtii labaad ee Qabyo Qoraalka oo kuqorran luuqasda afka ingiriisiga, waxaa kaloo iyana aan meesha ka maqnayn lakulanka beesha caalamka iyo diblomaasiyiinta dalkan Britain iyo sidookale derdergilnta xisbiga Waddani UK oo uu gudoomiyuhu ugu kuur gelaayo hanaanka iyo habsami socodka laamaha wadani UK iyo gudida sare. Hadaba talaabooyin kuwaas kamida oo ay markiiba bilaabeen Gudomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayaa ayaa waxay kulamo kula yeesheen habeenimadii salaasada ee arbacadu soo galaysay ee 5tii bisha January 2016 ka oo uu kulan si heersare ah loosoo agaasimay kula yeeshay hudheelka Chowdhury Restaurant ee kuyaala waqooyiga magaalada London oo uu kula kulmay laamaha North London iyo South London, kuswaasoo kusoo bandhigay waxqabad kooda sanadkii laso dhaafay iyo waxa ay hiigsanayaan hadii Alle yidhaa sanadkan bilaabmay ee 2016ka. Warbixin aad uquruxbadan ayay soo bandhigeen laamuhu waxaanay muujiyeen siday uga go’antahay kor u qaadida wax qabad kooda, kulanka ayaa waxaa iyaguna goobjoog ka ahaa xubno kamida guddida fulinta Waddani UK oo uu hor kacaayay Gudoomiyaha Waddani UK Mudane Xusseen Aadan Cadde oo uga warramay waftiga halka ay xaalada guud ee Waddani UK marayso. Warbixintaa kadib waxaa iyaguna dhinacooda u xogwaramay gudoomiye yaasha labada laamood ee Norht iyo South London, Gudoomiye Cirro iyo waftigii uu horkacaayay ayaa iygauna warbixin kasiiyay xubnaha laamihii goobjooga ahaa halka ay marayso xaalada siyaasadeed ee dalka iyo ta xisbigaba, waxaanu Gudoomiyuhu ku u amaanay lamaha North London iyo South London sida wanaagsan ee ay shaqada u wadaan, wuxuuna dardaaran ugu soo jeediyay inay dedaalka sii laban laabaan.

Waxaa sidoo kale uu Guddomiye cirro iyo waftigiisu la kulmeen kulan kaa hore lamida laanta East London habeenkii arbacadii ee khamiistu soogalaysay ee 6da bisha January 2016ka kulankaasoo kadhacay xafada Whitechapel hudheelka EFFS Restaurant. Waxaa halkaasi uu warbixin kaga dhagaystay Gudomiyaha iyo waftigiisu maamulka laanta East London oo uga waramay Gudoomiyaha habsami socodka laanta haday tahay mid dhaqaale, kobcinta xubinimada iyo guud ahaanba sida ay laantu uga qayb qaadato hawlaha xisbiga, waxaa iyaguna goobjoog ka ahaa kulankaa Xubno kamida mida gudida fulinta iyo qaarada yurub oo ay gadhwadeen aka ahaayeen labada gudoomiye Mudane XusseenAadan Cade gudoomiyaha Waddani Uk iuo Mudane Axmed Cali Naahi Gudoomiyaha Qaarada yurub. Gudoomiyaha iyo waftigiisi waxaa kale oo ay kormeerkan shaqo ee lamaha London kadib hadii Alle yidhaa ugu ambabixi doonaan socdaal kaa lamida Gobolada dalkan Britain.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK

Mudane Cabdixakiin Camuud Axmed

COMMENTS
Latest News