Somaliland One
Gudoomiye Muuse Biixi Oo Canaan Kula Duldhacay Madaxtooyada Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Jawaab Aanu Ku Farxin Siiyay.
January 1, 2016 - Written by admin

Hargeisa(Somalilandone.com):- Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxwaynenimo muuse biixi cabdi ayaa khilaaf Wayn oo dibada usoo mudh yidhi soo kala dhexgalay madaxwaynaha somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo.

Khilaafkan ayaa waxaa uu salka ku hayaa gudoomiye muuse biixi oo madaxwayne siilaanyo ku canaantay inuu lacag siiyo si uu olalaha doorashada ugu galo sodoo kale ugu diri qurbaha iyo meel kasta oo taageerayaal taabacsan looga helaaayo.

Muuse biixi ayaa walwal iyo walaac wayan ka qaba inuu madaxwayne ka noqdo dalka waxaana badan taageerayaasha baaxada leh ee wali taageersan Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye oo ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisaba.

Gudoomiye muuse biixi cabdi oo aad uga warwarsan Isbahaysiga Kulmiye ee kaxaystay kala badh taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa Madaxwayne Siilaanyo ku canaantay inuu wax kala qabto arimahan ku cakiran una furo sanduuqa lacagta dawlada waxaanu Madaxwayne Siilaanyo siiyay jawaab aanu muuse bixii ku farxin taas oo ahayd una dhignayd sidan.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa u sheegay muuse biixi inuu gacanta ka galiyay Xisbigii dhamaa ee Kulmiye godobna ka galay Wasiiradiisi ugu badnaa Xukumadiisa oo ku suntanaa wax qabadka uu Kulmiye ku faano, waxaanu ugu jawaabay in aanu wax dhaqaale  ah siinayn ee looga baahanyahay inuu isdabaro madaama uu dhaafiyay caqabadihii ugu waawaynna ee aanu ka dhaman lahayn muuse biixi.

Intaas ka dib muuse biixi ayaa cadho iyo niyad jab kala baxay madaxtooyada waxaanu rajo xun ka muujiyay inuu Madaxwayne ka noqdo somaliland.

Guntii iyo gebagebadii muuse biixi ayaa arinku ku xunyahay waxaana la gudboon Inuu raadiyo sidii uu heshiis ula gali lahaa Isbahaysiga iyo inuu darbiga ka soo ga,o ileen sidan haduu ku sii socdo cod ka helimaayo shacabka reer somaliland.

Somalilandone.com

Hargeysa/office

[email protected]

 

COMMENTS
Latest News