Somaliland One
Kee Buu Ahaa Wasiirkii Ugu Beenta Badnaa Ee Soo Mara Xukumada Madaxwayne Siilaanyo Ee Ka Tagey Kalmadaha Lagu Sii Xasuusto.
January 5, 2016 - Written by admin

Kee Buu Ahaa Wasiirkii Ugu Beenta Badnaa Ee Soo Mara Xukumada Madaxwayne Siilaanyo Ee Ka Tagey Kalmadaha Lagu Sii Xasuusto?

Wasiir kii hore Arimaha dibada somaliland Maxamed cabdilaahi cumar ayaa noqday Wasiir Kii ugu beenta badnaa ee soomara somaliland abid.

Ex Wasiir Maxamed cabdilaahi cumar waxaa lagu Xasuusta kalmadaha Kala ahaa meeqam sare iyo madaqada geeska afrika oo uu adeegsan jiray marka uu rabo inuu been u sheego ahacab waynaha reer somaliland,gaar ahaan wada Hadaladii somaliland iyo Somalia oo marwalba uu odhan jiray si meeqaam saraysa aya Turkiga iyo dalalka kale ay tagaan loogu soo dhaweeyey, yadoo markii xilka uu ka tagey la ogaaday inuu ahaa Wasiirka kaliya ee reer Xamarka la soo dhaqmay ee yaqaana sida dadka beenta loogu qanciyo.

Hadaba waakan isagoo ka hadalay kalmada meeqaam sare ee hoos ka dheeho.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ka hadlay ujeedada uu ka lahaa kelmaddii uu caanka ku noqday wakhtigii uu wasiirka ahaa ee ahayad meeqaam sare ayaa nalagu soo dhoweeyey, waxaana uu sheegay inuu bulshada dareensiinaayan in Somaliland si wanaagsan dunida looga qiimaynayay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo arrimahaas k hadlaya ayaa waxa uu yidhi “marka aan isticmaalayay kelmadda “meeqaam sare ayaa nalagu soo dhoweeyey Xidhiidhka aanu la leenahay beesha caalamka ayan u arkaayay in derajo halkii aynu joognay ka saraysay inuu gaadho, markaa anigu waxaan aaminsanaa in sida dunidu dalkeena u aragto inuu isbedel wanaagsani ku yimi”

COMMENTS
Latest News