Somaliland One
Kulmiye Hadii Uu Sharci Yahay Isbahysiguna Waa Sharci By Ex Wasiir Xirsi.
January 9, 2016 - Written by admin

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan waxaa uu ka hadley sharcinimada isbaheysiga kulmiye oo uu ka mid yahay .

Wasiirka oo caawa marti ku ahaa barnaamij uu Telifiishanka HCTV uu qabto oo ay su,aalo dadweynuhu ku weydiyaan siyaasiyiinta ayaa uu sheegay Mr.Xirsi in hadii xisbiga kulmiye oo ay garab ka mid ah yahiin uu sharci yahay uu isbaheysigooduna uu sharci yahay waxaana uu yidhi ” anaguna waxaa aanu nahay xisbiga kulmiye oo garabka isbaheysiga baanu nahay hadii uu kulmiye sharci yahay isbaheysiguna waa sharci , markaas dee hadii uu qeyb ka mid ahi xaraan noqdo oo anaga ahi de sharciga hadii aanu u eegno xisbiguna waa xaaran , arigtida waa lagu kala duwanadaa oo anagu waxaanu nahay garabka isbaheysiga iyo dumuqraadi doonka oo isga ayaanu dhexdiisa aragtiyada ka gudbineynaa oo aanu ka tartameynaa’ ayuu yidhi wasiir xirsi

COMMENTS
Latest News