Somaliland One
Ma jecli in Somaliland cidda ay is hayaan laga dhigo gobol (Puntland)
January 15, 2018 - Written by Wararka Maanta
Ma jecli in Somaliland cidda ay is hayaan laga dhigo gobol (Puntland) waayo taasi waxay noqonaysaa ama Puntland baa qaran ah oo aynu deris nahay xadna la wadaagnaa ama Somaliland ayaa gobol ah oo laba gobol oo isku qaran keliya ah oo xuduud goboleed isku haya ayuun baynu nahay. Pumtland waa Somalia cidda aynu xadka Bariga la wadaagnaana maaha Puntland oo gobol Somaliya ka tirsan ah ee waa Somaliya khilaafku cidda uu ka dhexeeyaana maaha Puntland Iyo Somaliland ee waa Somalia Iyo Somaliland laakiin sidee ayaa looga dhaadhicin warbaahinta Somaliland? Siyaasiyiinta iyo xataa madaxdaii Somaliland ayay afka ugu ridaan oo hadalkooda aan Dawladda Muqdisho ku jeedinin marka ay shaqaaqo yari ka dhacdo gobolada Bariga ee maamul-goboleed la murma kana dhiga cidda ku soo xadgudubtay xadkoodu in aanay ahayn dawlad kale ee ka dhigta maamul goboleed. Aniga xagayga dal ma Jiro uu xadkiisa ku soo xadgudbo gobol ee waxa ku soo xadgudbi kara uun Dawlad kale oo xad la wadaagta ee Somaliland qaran Iyo gobol ka ay tahay uun dhigeeda ha la muranto was qaran eh Puntlandna was gobol eh Sool iyo Sanaag ha la sheekaystaan

COMMENTS
Latest News