Somaliland One
Maayirka Qoryaale Bile Jaamac Muuse Halaga Gaadho Dadka Masaakinta Ah Ee Uu Baabiiyey Si Dhakhso Ahna Degmada Qoryaale Maayir kale Oo Caafimaad Qaba Haloogu Magacaabo Hadii Kale Waxii Dhaca Dawlada Ayaa Ka Masuul Ah".
January 3, 2016 - Written by admin

imageimage

Qoryaale(Somalilandone.com)-:-Wado Laamiya oo laga dhisaayey degmada Qoryaale ee ka tirsan xarunta gobolka togdheer ayaa gabi ahaanba istaagtay noqotayna qabyo oo injineeradii iyo shaqaalihii dhisaayey iskaga tageen kadib markii khilaaf wayn soo kala dhex galay maayirka degmada qoryaale bile jaamac muuse xayraami.

Maayirka ayaa ku kacay fal aad looga xumaaday waxaanu wadadii laamiga ahayd ee galaysay magaalada qoryaale gudaheeda ka duway meeshii loogu talo galay inay marto ee injineerada dhisaayey u jeexen oo ahayd suuqa iyo daaraha waawayn ee magaalada qoryaale gudaheeda ,waana meeshi wadada hore laamiga wayn ka timaada waligeeda mari jirtay.

Maayirka qoryaale oo faraha la galay waxaanu aqoon u lahayn ayaa barakiciyey boqolaal dad danyaraa oo maato aad u jilicsani ku Jirto waxaanu Galiyey guryahoodii cagafyo isagoo u sheegay inuu sarfaygu maray.

Wadada ayuu u duw magaalada qoryaale dusheeda waxaanu ku beegay meesha uu degan yahay ee gurigiisu ahaa isagoo islahaa suuq iyo magaalo ayaad ka helaysaa hadii laamiga qoryaale ku hor maro, yadoo ay ceeb wayni ka raacday kadib markii wadadu dhex martay halkii uu daganaa ee gurigiisa badhtan kiisa ahayd.

Injineeradii dhisaayey Wadada ayaa Maayirka qoryaale bile jaamac muuse u sheegay in wadadu guriigisa badhtankiisa marayso taas oo Maayirka qoryaale ka diiday injineeradii dhisaayey Wadada isagoo ka codsaday inay qaloociyaan laamiga oo dhinac ka mariyaan.

injineerada dhisaayey Wadada ayaa ka diiday dalabka khaldan waxayna u sheegen Inuu gurigiisu dumis yahay oo sarfayga Wadada qaadanaayo taas waxaa diiday Maayirka Qoryaale oo ku adkaystay in uu rabo badbaadinta gurigiisa halkaas oo Injineeradii Wadada qoryaale dhisaayey iskaga tageen kadib markii ay shaqadoodi ka Wadan kariwaayen Maayirka qoryaale oo ah nin dulmi wayn ku haya bulshada reer qoryaale oo uu hada mudo 9sanadood ah sifo xaaraana oo baal barsan sharciga somaliland degaamada ku haystay waana Maayirka aan waligii dhicinba ee Soo mara guud ahaan deegaamada somaliland oo dhan halka laba maayir ee ka horeeyey isaga Degmada Qoryaale midkiiba 3 sano mudo ka yar haystay.

Tan waxaa ka daran oo Fadeexad ah dadkii danyarta ahaa ee dhulkoodii iyo guryahoodii uu cagafta soo galiyey oo haday maqlaan arinkan laga yaaba inay kacdoon sameeyaan oo ka Gadoodan sharci darada uu ku kacaayo Maayirka aan waligii dhicin oo 10 sanadood dhexfadhiyay deegmada qoryaale oo aanu wax horumarin ah oo la taabto ka qaban Marka laga reebo dadka qurbaajooga ah iyo qolqol jooga ah mashaariic ay galiyaan oo uu sii kala dilaalo mooyaane.

Ma jirto cid u hadasha dadwaynaha masaakinta ah ee reer qoryaale waxaanu Maayirka qoryaale ku haystaa xaaran cabudhin caga juglayn iyo hanjabaado qofkii la hadla ee u sheega khaladkiisa uu kula kaco isagoo usoo kaxaysta askar una sheega inuu xidhaayo.

Ugu danbayntii Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Xukumada ayaa Si degdg ah looga baahanyahy inay xilka ka badasho Maayirka qoryaale oo u raadiso shakhsi kale oo horumarka degmada ka shaqaynaaya ee aan shacabka iyo dadka masaakinta ah ka shaqaysan oo aan dulmiyin.”

Dhawaan ayey ahayd markii uu hablo qurbajoog ah oo rabay inay mashaariic ka fuliyaan Degmada Qoryaale u ka hor istaagay una sheegay inuu xidhxishaayo hadii aanay laalush la siin waxaanu ku qabsaday beertoodii iyo dhulkale , dhowr jeer oo hore waxaa uu isku diray dad walaalo ah oo xoolo dhaqato ah yadoo dawlada iyo maamulka Gobolka Togdheer u war hayn dhacdooyinka foosha xun ee ay kamida yihiin musuq maasuq cabudhinta boobka isku dirka iyo waxyaale kele oo aad u fool xun taas oo uu Maayirka bile jaamac muuse ku kaco marwalba mana jirto ilaa hada cid la xisaabtantay bulshada deegmada iyo haayadaha dawligaaba.

Ma jirto wax warbaahin ah oo ka hawl gashaa Degmada Qoryaale waxaana tani Maayirka u sahlaysa inuu siyaabo khaldan u adeegsado shaadhka dawlad ku macaashka.

Somalilandone.com

Degmada Qoryaale/news deks

[email protected]

 

COMMENTS
Latest News