Somaliland One
Madaxwayne Siilaanyo Oo Isku Shaadheentii Ugu Waynayd La Filaayo Inuu Ku Sameeyo Golehiisi Wasiirada Oo Uu Qaar Kood Shaqada Ka Caydhin Doono
January 5, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Somalilandone.com) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la Filayaa in uu dhawaan Isku Shandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada kala duwan.

Wararka hor dhac oo ayaa sheegaya in Masuuliyiin Xilal muhiim ah ka haya Xukumada ay la tagidoonto seefta madaxweynaha, wararku waxay intaasi ku darayaan in isku shandhayntani noqondoonto tii ugu cuslayd ee muddooyinkan uu Madaxweynuhu Sameeyo. Isku shandhantay ayaa la filayaa in aanay ku koobnaan uun Wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada, balse ay gaadhidoonto illaa Hay’ada Madaxbaan ee dawlada oo qaar kood aan la badalin masuuliyiintooda Lixdaa Sanno ee Xukumadu xilka haysay. Warar kale ayaa sheegayaa in Muhiimada ugu weyn ee Madaxweynuhu kaleeyahay isku shandhayntan ay tahay Tii Ololaha Doorashada isla markana la magacaabo Masuuliyiin Xisbul Xaakimka Kulmiye cod uga keeni kara Beelahooda.

Somalilandone.com

Hargeysa/office

[email protected]

 

COMMENTS
Latest News