Somaliland One
Madaxweyne Shakki kuma jiro Ficil kan aad samaysay inaanu ogayn inaad ordikarto, Madaxweyne Caafimaad qabku waa Sabab kamida Sababihii aanu kugu Dooranay,
January 19, 2018 - Written by Wararka Maanta
Madaxweyne Shakki kuma jiro Ficil kan aad samaysay inaanu ogayn inaad ordikarto, Madaxweyne Caafimaad qabku waa Sabab kamida Sababihii aanu kugu Dooranay, Markale Maanta Waanu aragnaa in aad Caafimaad qabto, Soo jeedo , Jidh ahaan iyo Caqli ahaan fayawdahay alle na waxaanu kaaga baryaynaa inuu Caafimaadka, Caqliga,Cimriga, Cuudka kuu Barakeeyo hasayeeshee Orodyahanka Mo Farax Waa nin adiis ababa ujooga inuu tababar ku qaado Cimilada Ethiopia si uu ugu diyaar garoobo Oradada Dhaadheer ee Caalamiga ah.Balse adiga kaagama fadhino in aad latartanto SIR MO FARAH Oo gabay Xilkii iyo waajibaadkii taageero lahaa dhiirigelin lahaa ee ay ubaahnaayen Dhalinyaradda orodada jecel ee Somaliland Weliba waxaan qabaa Mo FARAH inuu Hakraday Inuu garab istaago Dhalinyarada isagoo Awood dhaqaale iyo midfarsamo labadaba uleh sidoo kalena ku tiirsan Dawladda Ingiriiska oo Dhanwalba dunida Saamayn ku leh hadda Dhalinyarada aan ku canaananayaa cidkale ma aha ee waa kuway dhiiga iyo Dhalashada wadaagaan sidaa darteed Madaxweyne Waxay ahayd oo lagaa filayaa adna aad kutalo gashaa in aad na Gaadhsiiso ,ama nagu dhawayso Dhaqaale ahaan Siyaasad ahaan nolol ahaan Maamul ahaan wadamada dunidu utaqaan Kuwa soo koraya .
Madaxweyne La tartan dhigaa si aanu ugaadhno asaagayo
Guud ahaan Fariintaydu waa guubaabo xoogan oo dalka iyo adigaba dhisaysa waana aniga iyo garaadkay

COMMENTS
Latest News