Somaliland One
Muuse Biixi Oo Ergo U Dirtay Beesha Gaashan Buurta Axmed faarax Iyo Wasiir Kii Hore Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali.
January 5, 2016 - Written by admin

Hargeisa (Somalilandone.com):-Muuse Biixi Oo Ergo U Dirtay Beesha Gaashan Buurta Axmed faarax Iyo Wasiir Kii Hore Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Gudoomiyaha Xisbul xaakimka Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa madaxwayne-nimo Muuse Biixi cabdi ayaa ergo u dirtay Suldaanka guud iyo  Madaxdhaqameedka beesha gaashan buurta axmed faarax taas uu doonayo in la taageero dibna loogu soo maslaxo wasiirkii hore madaxtooyada somaliland Xirsi cali xaaji Xasan oo ka tirsan isbahaysiga Kulmiye.

Gudoomiye muuse biixi ayaa usoo bandhigay Beesha gaashan buur axmed faarax hadii ay taageeraan oo uu madaxwayne noqdo inuu siinaayo 3 Wasiir iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Musharaxa Madaxwayne noqonaaya 5 sanadood ka dib marka uu kursiga madaxwayne-nimo ku fadhiisto.

Tan ayaa ka danbaysay kadib markii uu muuse biixi garowsaday ogaadayna miisaanka beesh Axmed faarax ee gobolada bariga somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer oo ay bixiyaan codka ugu badan ee laga helo somaliland iyo waliba gobolka saaxil oo ay si wayn u deegaan.

Lama garanaayo inay Aqbalayaan madaxdhaqameedka Suldaanka guud iyo Wasiirkii hore madaxtooyada somaliland dalabkaa uu soo bandhigay  Muuse Biixi oo aan la garan karayn inuu yahay mid saxa iyo inuu rabo salaanka kursiga ku fuulida kadibana uu hadhow ka baxaayo heshiiska madaama aan la aamini karayn Muuse Biixi oo ah shakhsi is badbedal badan?

Dhinaca kale Isbahaysiga Kulmiye ayaan wali meel rasmiya ku biirin waxaana laga cabsi qabaa inay Xisbiyada Ucid iyo Wadani ku soo biraan oo qaar kood iska soo Dhex sharaxaan kursiga Madaxwayne-nimada waxaana hadii ay taasi dhacdo oo miisanka Isbahaysigu Kulmiye meel kale ku biiraan aan doorashada Somaliland helayn Gudoomoye Muuse Biixi .

Ugu danbayntii Muuse Biixi ayaa waxaa la gudboon in aanu koontiidhar ku soo Xidhi dadka iyo Xisbiga  uu raadiyo xalkii.

somaliland.com

Hargeisa/office

[email protected]

 

COMMENTS
Latest News