Somaliland One
Ogeysiis Dhamaan Jaaliyada Reer Somaliland Ee London Ku Nool Waxaa Si Xushmad Iyo Sharaf Leh Looga Codsanayaa Inay Ka Soo Qaybgalaan Xaflada Codaynta
January 8, 2016 - Written by admin

Bismaillaah.

Haddaanu nahey Jaaliyadda Somaliand ee bariga London waxaanu si sharaf iyo karaamo leh uga codsanaynaa dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool magaaladda London iyo nawaaxigeedda iney nagala soo qayb galaan xafladda abaal marinta ee 2015. Oo ka dhici doonta bariga London ee City of Paris Restaurant, maalinta sabtida ah taariikhduna tahey 23.01.2016 saacaddu markey tahey 18:00 – 23:00.
Qiimuhuna waa £20.

Waxaa kale oo xafladda nagala soo qayb gali doona fanaaniinta reer London, waxa kale oo lagu soo bandhigi doonaa riwaayad cusub oo ay mateli doonaan dhallinyaro hibo Illaahey u siiyey iney dadka ka qosliyaan.

Fadlan cidii aad isleedahay way u qallantaa abaalmarinta u soo codee adiga oo nagala soo xidhiidhaaya telephone ka hoos ku qorran invitation card ka Insha Allah.

Coddayntuna waxey Socon doontaa ilaa Jimcaha oo taariikhdu ku beegan tahey 22.01.2016.

Illaahey baa mahad iska leh.

Maamulka Jaaliyadda.

COMMENTS
Latest News