Somaliland One
Tacsi Tiiraanyo Leh Oo Ay Dirayaan Wasaarada Madaxtooyada Somaliland.
January 5, 2016 - Written by admin

TACSI

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

1. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi

2. Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees

3. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Arrimaha Gobollada Bari ee JSL, Md. Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab)

4. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Marwo Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh)

5. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Md. Cali Axmed Cali

6. Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Md. Xuseen Aadan Cige (Deyr)

7. Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada JSL, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi)

8. Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada JSL Md., Maxamuud Cabdilaahi Xarbi

9. Agaasimaha Maamulka Xisaabaadka Madaxtooyada JSL Md Maxamed Xirsi Xasan (Digaale)

10. Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada JSL Md. Abshir Xasan Xaashi

11. Xoghayaha labaad ee Madaxweynaha Md. Mowliid Maxamed Xaashi

12. Xoghayaha Golaha Wasiiradda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) iyo Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL, waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed Warsame Xirsi (TITI) oo ka mid ahaa tiirarka waayo araga ah ee Masuuliyiinta Madaxtooyada muddada dheer ka shaqaynayey, xilal kala duwana ka soo qabtay Qasriga, sannadihii u danbeeyeyna ahaa Madaxii Xoghaymaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xalay ku geeriyooday Hargeysa laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2016.

Waxaanay dhamaan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Madaxtooyadu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu u naxariisto suaasha qabrigana u fudaydiyo, intii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

COMMENTS
Latest News