Somaliland One
"War Degdeg Ah Fadeexada Komishanka Doorashooyinka Oo Diiday Inay La Kulmaan Madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer Oo Dadkoodii Ka Hayaamay Deegamadii Ay Degaanan Jireen"
January 7, 2016 - Written by admin

image

Burco(Somalilandone.com):- Fadeexadii ugu waynayd oo ka dhacday gobolka togdheer xaruntiisa magaalo madaxda Burco, yadoo Komishanka doorashooyinka diwaan galinta kaadhka cod bixiyeyaasha ay Burco u yimaadeen Xalinta khilaafka komishanku abuuray ee ah inay shacabka reer Togdheer khasab ku qaatan kaadhka diwaan galinta xili ay dadkii ku noolaa deegaamada ku xeeran ka wada guureen kadib abaaro xoog leh oo ka dhacay gobolada togdheer.

Shacabka reer guuraga ah ee deganaa deegaamada ku taydsan Gobolka Togdheer ee kala ah Balidhiig warcibraan shanshacade xood xayira ilka-cadeys balan-baal beeli eeday shaxid bali-calale daba-qabad qoryaale ina afmadoobe beer heere qandahaar wadaamo goo dhagax dheer dandan gaatama qurilugud  unuunlay higlo dhoqoshay dhagax-dheer waridaad iyo deegaamo kale oo farabadan oo kuwaas oo ka wada mida gobolka togdheer.

Dhamaantood deegaamada aan sare ku soo sheegnay ee ka tirsan gobolka togdheer ayaa laga wada guuray yadoo dadkii deganaa ay u wada hayaameen gudaha dalka Itoobiya oo roobab ka da’een.

Hadaba wax garadka Salaadiyiinta iyo cuuqaasha deegaamadaas ayaa ka codsaday gudida Komishanka Doorashooyinka in dib loogu dhigo diwaan galinta codbixinta ee lagu qaadanaayo kaadhadhka mustaqbalka u ah codaynta xisbiyada qaranka doorashada soo socota.

Komishanka ayaa diiday in dib loo dhigo diwaan galinta codbixinta ee lagu bilaabay gobolka togdheer waxayna ku khasbayaan dadka in la tago deegaamo laga hayaamay oo aan cdiba joogin taas ayaa waxaa la sheegay in siyaasad Wayn uu ka leeyihiin Xukumada Kulmiye iyo Komishanka oo iskaashanaaya’ ujeedadaa laga leeyahay in diwaan galin lagu sameeyo gobolka togdheer deegaamada hoos yimaada ee laga hayaamay ayaa ah in hadii ay deegaamadaas ka baxaan Xisbiga Kulmiye aanay cod siinin xisbiyada kale haday ku biiraan.

Xukumada iyo gudoomiyaha Xisbiga  Kulmiye Muuse Biixi  ayaa aaminsan in beelaha iyo dadka gobolka togdheer iyo nawaaxigiisa degaa ay taageersan yihiin Isbahaysiga Kulmiye waxaana sida gudida komishanka u samaynayaa  badheedh iyo isdaba marin ay durba ku talaabsadeen oo laga baqaayo hadii ay Komishanka hada jooga doorasho somaliland u qabtaan in lagu shuban doono  oo aanay dbex ahayn waxaana xisbiyada Mucaaridka ah looga baahanyahy inay arinkan ka hawlgalaan oo deegaamada iyo Kuwa kaleba dadka degan u raadiyaan xal loogu qaadayo kaadhka diwaan-galinta  codbixinta oo ah mustaqbalka somaliland oo u baahan in si aada looga baraan dego.”

komishanka doorashooyinka somaliland ee hada jooga ayaa noqonaaya kii ugu liita ee wax isdaba maraya ee soo mara somaliland waxaana uu hor seedi  doona isku dhac  burbur iyo dagaal sukeeye uu u geysto dalka Somaliland dimuqraadiyadiisi hadaan si dhakhso ah loo badelin oo wax looga qaban cabasha gobolka togdheer iyo gobolada kale ba.”

Somalilandone.com

Burco/office

[email protected]

 

COMMENTS
Latest News