Somaliland One
Warsaxafadeed Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Mudeeyay Wakhtiga Codbixinta Diwaangalintu Dalka Ka Dhacaysa Sidoo Kale Xilka Qaadis Bedel iyo Magacaabid ku sameeyey Masuuliyiin ka Tirsan Dawladda
January 3, 2016 - Written by admin

Taariikhda: – 03/01/2016

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

Markuu Tixgeliyey: Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;

Wuxuu Go’aamiyey

In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.

ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 

Date: – 03/01/2016
WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3758/012016 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisiina la bedelay.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:​Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:​Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:​In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:​Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:​In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In G/Dhexe, Axmed Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO:​BEDDEL

Ku:​G/sare, Axmed Cali Maygaag​ ​
​Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

Og:​Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland ​

Ku:​Dhamme, Cabdi Cismaan Ducaale ​
​Taliye Ku-xigeenkii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

Og:​Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ​

Mudaneyaal,

Waxaan idinku mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka beddelo xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland inay mas’uuliyiintaa u magacaaban xilal ku habboon darajadooda.

ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

COMMENTS
Latest News