Somaliland One
Xukumadda iyo xaalkeeda xuska sanadka 2016 By Haldoor Barkhad
January 2, 2016 - Written by admin

Xukumadda iyo xaalkeeda xuska sanadka 2016 By Haldoor Barkhad.

Garaadka iyo garashada bulshada Somaliland ayey ceeb iyo ciyaar ku tahay in Madaxweynihii hambalyeynayo, shaqaalahii dawlada la fasaxay, tvga qaranka looga dabaal dagayo sanadka cusub haddana wasaaradi diintu mabnuucday shalay weyneynta sanadka cusub! Xukumadda iyo xaalkeeda maanta un iga dheh.
Waxaan si mug iyo miisan leh ugu mahadcelinayaa sheekh maxamed cumar dirir oo si fiican umadda ugu sharaxay sharciga islamka iyo wuxu ka qabo dabaal daga sanadka cusub ee miiladiga. Waxaan sidoo kale u soo jeedinayaa shacabka qaaliga ah ee teer somaliland iney ka dheeraadan wax kaste oo Alle cadho galinayaa kuna xamdiyaan nimcooyinka Alle ee Amnigeenu kow ka yahay. Waxaan Alle ka baryayaa inu xisbigayaga waddani ka dhigo mid fuliya wuxu unadda u soo bandhigay iyo ilaalinta sharciga Alle. Guul iyo galad eebe.
By Haldoor Barkhad Facebook

COMMENTS
Latest News