Somaliland One
Xukuumada Somaliland oo Si Kooban uga hadashay Werwer Shacabku ka qabo halis ka dhalan karta Haan weyn oo Xeebaha Sanaag ku soo caaridday
January 4, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Somalilandone.com) Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay ogaadeen muhiimadda loo isticmaalo Haan weyn oo ku soo caaridday Xeebaha Gobolka Sanaag, inkastoo weli socoto baadhitaankeedu.

Wararka Haantan weyn oo ku soo caaridday Xeebaha Magaalada Xarshow ee goboblka Sanaag oo loo maleeyey inay tahay kuwa sunta hadhaagga Warshadaha Nukliyeerka ku jiraan ee sharci darada badaha loogu aaso, ayaa hore qaylo-dhaan looga soo jeediyey wax ka qabashadeeda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-guray) ayaa sheegay inay heleen xogo sheegaya in Haanta ku soo caaridday Xeebaha gobolka Sanaag ka mid tahay qalab loo adeegsado ugaadhsiga kaluumaysiga (fish aggregating device).

Wargeyska Himilo oo Xalay wax ka weydiiyey Agaasimaha Guud ee kaluumaysiga, Mr. Cabdi Axmed (Cabdi-guray) halkay ku dambaysay baadhitaan ay ku samaynayeen ayaa sheegay inay ogaadeen macluumaad ka duwan sidii markii hore loo haystay Haantaas ku soo caaridday Xeebaha Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi, “Hawshii baadhitaanka Haanta ku soo caaridday Xeebaha gobolka Sanaag weli waan wadnaa, hay’ado dhowr ahna waan ugu gudbinay hore, laakiin, immika waxaan ogaanay in Haantani ka mid tahay qalab loo adeegsado ugaadhsiga kalluunka (fish aggregating device FAD) oo kalluunka yaryar dugsadaan, si kuwa waaweyn looga ugaadhsado.”

Agaasime Cabdi-guray ayaa raaciyey, “Haantan uma eeka mid wax ku jiraan oo culus, siduu qof arkayey markii ay soo baxdayna noo sheegay. Waxaanu soo ogaanay, isla-markaana qolyo ka socda hay’ada FAO noo sheegeen waa Haan loo adeegsado ugaadhsiga kalluunka, oo badaha la dhex dhigo, laakiin si aan dadka & dalka dhibaato uga soo gaadhin xaqiijinteedii waanu wadnaa.”

Hadalka Agaasimaha Guud Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-Guray) ayaa noqonaya mid meesha ka saaraya werwer iyo shaki ballaadhan oo shacabka Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan deegaanada xeebaha gobolka Sanaag ka qabeen Haan weyn oo dabayaaqadii sannadkii hore ku soo caaridday magaalada Xarshow

COMMENTS
Latest News